You are currently viewing Waa Maxay Bitcoin?

Waa Maxay Bitcoin?

Jawaab: Bitcoin waa lacagta ugu fiican ee maanta aan haysano. 

Su’aal: Maxaa ka wadaa lacagta ugu fiican?

Jawaab: Inta aanan ka jawaabin fiicnaanteeda, maku weydiin karaa waa maxay lacag? maxay qabataa? Maxaa ka haysaa taariikhda lacaguhu soo mareen? yaa soo saara ma dowladaha mise dadka?

Su’aal: Maxay tahay sababta aan wakhti ugu luminayo su’aalahaan fahamkooda? 

Jawaab: Lacagtu waxay ka mid tahey wax yaalaha ugu muhiimsan aduunkaan. Lacagtu waa ti aad subixii u jarmaado, waa tii dadka ama dowladi isku dilaan, waa tii la isku gumeysto ama xor  kaa dhigta iyo intaan oo kale oo muhiimad ah. Lacagtu waxay laf dhabar u tahey dhaqaalaha aduunka. Hadii dhaqaalo xumo dhacdo barqo ayaa la is diiranaya. Dhaqaalo xumo waa tii dowladii Somalia burburisay.

Su’aal: Waa fahmi karaa intaas oo muhiimad ah, iyo in ka badanba lakiin ma waxaa i leedahay Bitcoin waxay meesha ka saaraysaa lacagaha hadda la isticmaalo ama lahaysto? 

Jawaab: Haa, waxay rabtaa in ay meesha ka saarto lacagaha dowladaha ay soo saaraan; sida Shilling Somali, US dollar, iyo Euros iyo kuwa la mid ka ah. 

Su’aal: Sidee macquul ku tahey in lacagaha dowladaha oo ah caalaamad u taagan qaranimada wadanka ay cirka u tuurto lacag digital ah oo aan la aqoon cidii soo saartey?

Jawaab: Labo aan Isla fahano, kow: waa maxay dhibka ama dheefka lacagaha dowladuhu soo saaraan oo loo yaqaan (Fiat Money), tan labaad: lacagta shaqadeedu waa maxay? Marka warka oo kooban lacagaha Fiat Money waa mid ka mid ah musiibadda ugu  weyn ee dunida haysata.

Su’aal: Inta aan ku weydiin lacagta shaqadeeda , ma waxaa leedahey lacagta Fiatka waa musiibo haysata umadaha aduunka meelkasta ay joogaan?

Jawaab: Haa, musiibo aduunka kaliya ma ahee mid aakhirana wey tahay. Lacagta Fiatka intooda badan waxay ku dhisan yihiin Ribo oo ah dambi aad uweyn oo ka daran dambiga Sinada. Marka dhibkeeda ayaa ka badan dheefkeeda. 

Su’aal: Bal noo sii faah faahi dhibta lacagta Fiat?

Jawaab: Dowladii Somalia ayay bur burisay, dagaalada aduunka ka dhacay ama ka socda 100 kii sano ugu danbeysay waxaa fududeeyey lacagta fiatka ah, dagaaladaas waxaa ka mid ah: dagaalkii kowaad iyo kii Labaad ee dunida, kii Iraq kii Afganistan kan Palestine iyo kuwa kale oo badan. Waxaa sii dheer dhibka ay ku hayso qofka shaqsiga ah,tusaale: ciyaal dhalkii iyo qoys abuurkii oo yaraadey,  ciyaal badan oo burcad noqdey kadıb hooyadii iyo aabihii oo isku-diriray lacag darteed, buufiska iyo stress ka oo cirka isku shareeray iyo kuwa kaloo badan.

Suaal: Oo balaayadan iyo dhibkaan oo dhan waxaa laf dhafar u ah lacagaha Fiat ka miyaa leedahay?

Jawaab: Haa ,dhibkaan oo dhan waxaa keenay dad kooban oo maamul ka ah bangiga dhexe iyo bangiga ganacsiga kuwaas ay isku xiran yihiin dowladda. 

Suaal: Hagaag, hadda ayaa xiiso u haya in aan fahmo, marka dhex gal waa maxay lacag , yaa soo saara , goormay bilowdeen lacagta Fiatka?

Jawaab: Hadii aan ku bilaabo lacagtu waa maxay oo ay ku lifaaqan tahey lacagi maxay qabataa: 1. Medium of change- oo ah walax wax lagu kala badasho.

Suaal: Ma waxaa ka wadaa hadii aan haysto caano geel oo aan rabo in aan soo iibsado dhar lakiin qofka dharka haya uusan rabin caano geel lakiin uu rabo bariis, marka labadaan qof waxaa kala dhex galaya lacagta. Kan caanaha geel haysta wuxuu ku iibinaya caaniisa lacag ka dibna wuxu ku gadan karaa dhar ama wixii kale uu rabo.

Jawaaab: Waa sax, shaqada kalena waa 2. Store value- oo ah in aad ku keyd san karto hantitaada.

Su’aal: Waxaa u fahmey; hadii aan soo shaqeysto oo aan soo helo 100 shilling maanta oo aan meel dhigto sanad ama sanado ka dib in ay wixii maalin tii koowaad ay ii goyn kartey ay ii goyso. 

Jawaab: Si fiican ayaa ila socota, shaqada ugu danbeysa ee lacagtu waa 3. Unit of account- oo ah in wax lagu xisaabsado.

Su’aal: Waxaa u fahmey, Sidee ku ogaaneynaa in hal koonbo oo caano geel ah ay tahey  hal shilling ama baabuur uu yahay boqol shilling, hadii aysan jirin xisaab la isla ogyahay waa la isku wareeri lahaa. 

Jawaab: Aad iyo aad , marka hadii aan fahanay lacagtu waxay tahey ama qabato, aan u galno sidee ku bilaabatey. 1. Marka ugu horey say waxaa wax lagu kala iibsan jirey qaab la dhaho barter oo ah; qaado caanaha geela ana isii dharka, qofka caanaha qaatey wuxuu raadin jiray qof bariis haya oo raba caano geel.

Su’aal: Waa arin adag arin kaas, siiba dunida hadda la joogo, waxay ka shaqeyn kartaa dad kooban oo isku meel degan.

Jawaab: Waa sidaas aad u sheegtay, waxaa ku xigtay in dadkii ay fahmeen in ay wax ku kala gataan, tusaale: Hargo, Cusbo, Dhagaxyo macduun ah iyo wax yaalo kale. Waxaa ku xigtey in la icticmaalo biraha sida dahabka (gold), qalinka (silver), naxaas (copper) iyo kuwa kale. Isticmaal ka dahabka iyo qalinka wuxuu soo bilowday dhowr kun oo sano ka hor. Waxaana bilaabey dadka lakiin dowladuhu dib ayay kala qabsadeen.

Su’aal: Meeshaas waxaa ka ogaaney, in lacagaha kuwa ugu fiican sida dahabka iyo qalinka aysan dowladdu aysan bilaabin. Marka khasab ma in lacagtu ay dowladdi soo saarto?

Jawaab: Ujeedkuba waa in laga wareejiyo maamulka lacagaha dowladda gacanteeda. Dahabka iyo qalinkuba wakhti dheer ayaa lagu soo dhaqmayey, waxaana la dhihi karaa waa xiligii lacagta ugu fiican la haystey. Dahabka iyo qalinkuba waxay ahaayeen lacag kusoo baxa qaab aad u adag oo u baahan shaqo iyo wakhti badan. Si fududna looma heli jirin, meel walbana lagama helo jirin. 

Su’aal: Lacagtu waa tii loo dhidido oo aan si fudud lagu heli karin. Taas waxay keentaa hadii qofku lacagtiisa gashto barkintiisa hoosteeda, konton ama boqol sano ka dib ay wali qiimaheeda ay haysanayso, oo wuxuu bilowgii  ku iibsan karey ay wali u qoynayso.

Jawaab: Aad iyo aad, taasna waxaa keeneysa in ay lacagtu ay tahey wax go’an oo aan la kordhin karin ama ay adag tahey sida lagu kordhiyo. Fixed supply or limited supply- soo saarka oo ah xisaab go’an oo la wada og yahey ama xadidan. Tusaale: dahabka iyo qalinka ama biraha kaleba inta suuqa soo gasha sanadkii waa in yar oo kooban markii loo bar bar dhigo kaydka horey u yaaley. 

Su’aal: Marka maxaa keenay in dahabka iyo qalinka laga baxo?

Jawaab: Inta aan u galin sababta la isaga daayey isticmaal dahabka iyo qalinka, waxaa  sii wadaya tariikhda lacagaha. Waxaa xigtey in ay sameysmeen bangiyo (banks). Kuwaas oo u badnaa kuwa gaar loo leeyahay (private banks). Waxay ku bilowdeen in ay dadka u hayaan dahabkooda oo waardiye ugu noqdaan ka dibna qofka siiyaan warqad cadeyneysaa inta loo hayo. Tusaale: warqadaas waxaa ku qornaa, 1kg oo dahab ah ayaa waxaa soo dhigtey Mohammed. Ka dib waxaa bilowday in bangiyadu lacagta kala gudbiyaan sidii xawilaad oo kale. 

Su’aal: Bangiyadu ma waxaa bilaabey dadka ganacsato ah?

Jawaab: Waxay ku bilowdeen qaab gaar loo leeyahey. Marka bangiyadaas waxay soo ogaadeen in dadka intiisa badan oo lacagaha dhigta aysan hal mar aysan kasoo doonan. Meeshaas waxaa kasoo baxdey fursad aad u weyn oo bangiyadu faa’iido badan ku sameyn karaan. Waxay bixiyeen warqadi ay ku cadeynayaan qof aan lacag u oolin ay deyn siiyaan ayaguna faaiido saartaan.

Su’aal: Waxaa u fahmey in warqadaha (gold/silver deposit receipt) ay dadka markaas u isticmaali jiraan sidii lacagtii oo qof inta uu aadi lahaa bangiga oo 1kg oo dahab ah uu soo qaadi lahaa kuna wareejin lahaa qof kale uu wax ka iibsadey, waxaa badashey in uu ku wareejiyo warqadda cadeynta ah ka dibna qofka cusub ula tago bangiga oo magaciisa lagu wareejin jirey?

Jawaab: Waa sax, tusaale kale kasoo qaad, bangi ayaa wuxuu hayaa 10kg oo dahab ah oo dadka soo dhigteen. 10 qof mid kiiba leh 1kg. Lakiin bangigu wuxuu bixiyey 12 warqado oo cadeymo ah in ay bangigu hayo 12kg oo dahab ah. Marka bangigu wuxuu been abuurey 2kg oo dheeri ah wuxuuna amaahiyey labo qof, wuxuuna saartey faa’iido. Taas oo sababtey in bangiyadu ay lacagtii xadigii (supply) ay si fudud u kordhiyeen, taas oo keentay in suuqii lacag badan soo gasho oo ka badan dahabkii lahayey. 

Ka dib waxaa bilowday in ay dowladaha ay noqdaan kuwa kaliya oo maamuuli kara ama bixin kara sharci maamuleedka lacagaha. Haddaba bilowgii qarnigii 19naad (~ 1914) waxaa bilowday lacagaha Fiat Money oo ah lacag ay dowladuhu iska soo daabaceen taas aan ku xirneyn dahab ama qalin toona.

Su’aal: Mala oran karaa dowladuna waxay ogaatey in lacagta la iska soo daabici karo ayadoon loo heyn dahab? 

Jawaan: Sax, marka bilowgii dagaalkii kowaad Bank of England oo ah bangiga dhexe ee UK oo isku xiran yihiin dowlada ayaa been ugu sheegay dadkooda oo dhahey dowladda bonds ayaa laga iibsatey ka dibna lacag ayay sidaas ku daabeceen oo ay ku galeen dagaalkii kowaad. Maalintaas ayay bilaabatey in dowladuhu ay dahabkii meel iska dhigaan. Xiligaas British Pound Sterling wuxuu ahaa lacagta aduunka (World Reserve Currency) .

Su’aal: Marka dagaalkii kowaad oo ahaa sababta keentay kii labaad, waxaana sii huriyey waa lacagta Fiat Money miyaa I leedahey?

Jawaab: Haa hadii lacagtu ay ku xirnaan lahayd dahabka, dowladuhu ma awoodeen in ay dagaal kharash badan ku baxayo ay galaan oo haddana in badan uu socdo. Dowladdu lacagta ay canshuur ahaan usoo uruuriso kuma filna oo marwalba waxay ku jirtaa nuqsaan (deficit).

Marka dagaalkii labaad waxaa sabab u ahaa kii kowaad, ka dib dagaalkii labaad waxaa noqdey lacagta aduunka US Dollar ilaa maanta.

Su’aal: Lacagtu in dahab ama qalin ay ku xirnaato ma waxay dhamaatey dagaalkii kowaad?

Jawaab: Haa ama Maya , markaas waa markii ay bilaabatey khiyaamada lacagta beenta ah, lakiin wali waxaa jirtey in dahabkii la isticmaalayay. Dagaalkii labaad ka dib waxaa lagu heshiiyey in US Dollar uu ahaado lacagta kaliya ee ku xiran dahabka, lacagaha kalena ay ku xirnaadaan tan US dollar ka. Taasi waxay socotey ilaa 1971  markaas oo madaxweynihii USA Richard Nixon, uu ku dhawaaqey US dollar mardanbe lagu soo daabici doonin dahabka la hayo, ee waxaa lagu daabacayaa awooda dowladda USA oo macnaheedu yahay markii aan rabno ayaa iska daabacaynaa.

Su’aal: Nixon muxuu saa u dhahay?

Jawaab: Sida horey u sheegay kharashka ka baxa dowladda ayaa ka badan kan soo gala, marka USA oo aheyd awooda ugu weyn oo rabtey in ay hesho lacag ay howlaaheeda ku fuliso ayaa keentay.

Ka dib Nixon wuxuu heshiis la galey wadamada carabta gaar ahaan Saudi Arabia oo kula heshiiyay in oil kooda lagu iibsado US dollar oo kaliya ayaguna ay difaaci doonaan. Tusaale: hadii Somalia ay rabto in ay Saudi ka iibsato oil waa in ay isticmashaa US dollar. 

Su’aal: Halkaas faa’iido weyn ayaa oga soo baxdey USA, oo lacag ay bilaash ku daabeceen ayey aduunka oo dhan ay dhaheen hala isticmaalo.

Jawaab: Haa, xataa hadii aad isticmaalayso lacag wadankaaga tuaale: Saudi Riyaal ama Somali Shilling ama  Lira waxaa khasab ah in ku xiran tahay US dollar oo bangiga dhexe ee wadankaas ayaa haya hadii aadan adiga laguu ogoleyn.

Su’aal: Hadii dadka Saudiga ah ay isticmaalaan Riyaal ma waxaa leedahay dowladda Saudi ayaa bangiga dhexe ku isticmaasha dollar taasoo Riyaalka ay isku  xiran yihiin?

Jawaab: Waa sax, marka lacagta la iska soo daabacayo waxay keentaa sicir barar (inflation) oo ah wax aad u xanuun badan. 

Dowlaada USA waxay la wadaagtaa aduunka oo dhan sicir barar ka lacagteeda. Taas oo keentay in lacagta dollar ka ah oo meel kutaal ay sanad walba ay ku dhacayso qiimo dhac. 

Dowladba mida ay ka dhaqaalo wanaagsan tahey lacagteedu wey ka adag tahey. 

Su’aal: USA oo dowladda ugu dhaqaalo weyn ma waxay ku baxsatey lacagteeda oo aduunka oo dhan isticmaalo oo hadii Trillion daabacdo si weyn looma dareemayo oo baahidii (demand) ayaa ka weyn soo saarka (supply) ?

Jawaab: Haa, marka hadaa intaa oga baxno taariikhda lacaha oo ku noqono qaabka ay u shaqeyso lacagta Fiatka. Lacagaha US Dollarka, Pound ka Euros iwm ~90% waa digital, lacagta kashka ah waa wax yar boqolkiiba.

Lacagtaan digitalka ah waxay ku soo baxdaa inteeda badan wax la dhaho fractional reserve bank. Waxaana soo saara bangiyada ganacsiga ah oo ogolaansho ka heysta bangiga dhexe. 

Su’aal: Maxaa ka wadaa fractional reserve banking?

Jawaab: Tusaale, hadii aad bangiga dhigato $1000 dollar waxay awoodaan in $900 ay qof deyn ku siyaan, $100 kaliya ay ku hayaan. Bangiyadu waxay lacagtaadii  u badaleen qaab lacag badan oo aan laheyn ku daabacaan oo faa’iido badanna ay saartaan. Qaabkaas ayaa la dhaha fractional reserve banking.

Su’aal: Hadda waxaa maqley bangigu kayd ( reserve ) xataa uma baahna, oo horey ayay lacagta ay rabaan kaa deymin karaan ileyn waa numbaro computer ku qoran ay ayagu iska sameyn karaan?

Jawaab: Waa sax, qaabka kale ee lacagtu lagu soo saaro waxaa la dhaha QE Quantitative Easing oo ah in bankiga dhexe ee dowladda uu asago daabaco lacag sidii dhacdey 2008 ama 2020 xiligii Covid asagoo haysan wax kayd ah. 

Su’aal: Waxa u fahmay in ay lacagtii noqotey warqado la iska soo daabici karo. Marka taas ma waxay keenaysaa sicir barar (inflation) ?

Jawaan: Waxay keentaa sicir barar, dagaalo iska socda, dad gaar ah oo taajir noqda iyo dadka intiisa badan oo faqri iyo deyn ku noolaada. Waxaa sii dheer in ay ku dhisan tahay Ribo oo ah danbi aad u weyn. 

Su’aal: Mala dhihi karaa lacagtii Shilling Somali waxay u bur burtey sicir barar?

Jawaab: Waxaa ku dhacay sicir barar kan ugu xun (hyperinflation). Waa la iska daabacay xiligii dowladii dhexe sii dhacaysay iyo in tii ka danbeysayba. Waxaana aaminsanahay in dowladaas wixii ugu weynaa ee la bur burtey ay ahayd dhaqaalo xumo iyo lacag Ribo ku dhisan oo laga qaatey IMF/World Bank iyo shilling kii suuqa lagu harqiyey. 

Su’aal: Waa fahmey dhibka lacagaha Fiatka iyo dhibka dhaqaalo xumo ay keento, marka sidee Bitcoin u xalinaysaa?

Jawaab: Bitcoin waxay kulan satey astaamaha ay lacagta ugu fiican. Waxaa ka mid ah: 

  • Lacagtu waa in ay tahay mid soo saarkeedu adag yahay, oo xadidan sida Bitcoin oo ah 21 million kaliya. Bitcoin halka xabo ugu danbeysa la soo saari doonaa 2140. Inta ka horeysana maalintii inta suuqa soo galeysa waa la ogyahay.  
  • Lacagtu waa in ay tahay mid dadka u dhaxaysa sida Bitcoin oo ah mid si cadaalad ah suuqa ku soo gashay oo maalintii ugu horey adoo Somalia jooga ayaa awood u lahayd in aad ka qeyb noqoto. Halka lacagaha ama kiribto (cryptocurrency) kale aadan u dhawaan karin. Kuligeed qof ama dhowr qof ayaa  qol isku xiray oo hadana qoondo badan meel dhigtey inta aysan ba imaan suuqa. 
  • Lacagtu waa in ay tahay mid ka madax banaan qof ama koox.  Bitcoin oo ah  mid qof ama koox, dowlad ama dowlado aysan maamulin ee qof walba wax ka maamulo. Hadii Bitcoin yeelan lahayd maamul (Admin, CEO etc) waxaa sahlalaan laha in wax laga badalo ama lagu kordhiyo si fudud.
  • Lacagtu waa in ay noqotaa mid si sahlan oo dhaqso badan ugu kala gudbi karta xuduudaha (boarder less) ayadoo cidna joojin karin ama dowladdi hakin karin. Halka dahabka uu adag yahay in si fudud loo kala gudbiyo qaaradaha oo la qaban karo qofkii wata.
  • Lacagtu waa in noqotaa mid la sii jajabin karo (divisible) oo hadana ah mid isku eg (fungible).

Su’aal: Marka ay bitcoin noqoto lacagta aduunka, oo qofkii Somalia joogey iyo kii America ama China jooga ay isticmaalaan ma waxaa yaraanaya dagaalada iyo dilka, faqriga, dhaqaalo xumo dhowrkii sanaba( boom and bust), iyo danbigii Riba da oo yaraanaya.?

Jawaab: Insha’Allah, dowladuhu waxay noqonayaan kuwa ku kooban lacagta ay dadka kasoo uruuriso, taas aan ku filneyn adeegyada badan ee dowladeed bal iska daa in ay dagaal ku galaan. Waxay keenaysaa suuq si dabiici  ah ku socda oo aan ku dhisneyn lacag deyn (debt) ah. Dadka waxaa ka yaraanaya buufis (stress) ka, oo qofka lacagta yar ee soo gasha ayaa qaneeco u noqoneysa. 

Su’aal: Qiimaha oo kor iyo hoos u dhacaya ayaa dadka qaar u arkaan in Bitcoin aysan lacag wax lagu gato aysan noqon karin?

Jawaab: Suuqa Bitcoin oo dhan waa wax aad u yar hadii loo fiiriyo hantida kale. Markii ay gaarto suuqeeda (marketcap) Bitcoin  20, 30 50 trillion iyo wixii ka sii badan waxay noqonaysaa lacag degan (stable). Bitcoin waa hanti (asset) cusub oo jira 20 sano ka yar. Waxaaba cajiib ah horumarka iyo sida aduunka ugu faaftey xiligaas aadka u yar ayadoo ay jirtey caqabado badan. 

Su’aal: Labo su’aal aan kusoo gabo gabeeyo: maxa dahabka loogu noqon waayay iyo tan kale oo ah lacag ah (deflationary) oo qiimaheeda kordhayo soo GDP iyo dhaqaalaha wax u dhimi mayso?

Jawaab: Dahabka cilado ayuu leeyahay oo ay ka mid tahey: ma qeybsami karo (bad divisibility), waxaa adag qaadidiisa (bad transport) , si fudud aya loo qaban kara oo lagaaga dhici karaa, in la xaqiijiyo kan runta ah iyo kan beenta ah wey adag tahey. Marka waxay keenaysaa in aad dahabkii qof ama bangi u dhiibato si uu kuugu xifdiyo, hadii ay taas dhacdana sida horey u sheegay waxaa badanaysa in lacagtii been abuuro oo supply si fudud loo kordhiyo. 

Lacagta deflationary ah, dhaqaalaha dhib kuma ahan waa sheego ay faafiyeen qoladaan loo yaqaan Keynesian Economics oo u ololeeya in dowladdu lacag ku dhisan Ribo soo saarto. Lakiin hadii aad akhrisaan dhaqaalo yahanada soo jireenka ah sida Austrian Economics, waxaa arkeysaa in dhaqaaluhu ugu badiso suuq xor ah iyo in lacag adag oo aa aheyn lacagtaan fiatka ah. 

Gunaaanadkii

Bitcoin ma ahan, wax digital ah oo dad ku nasiibsadaan oo lacag deg deg laga sameeyo (It’s neither gambling, speculation, nor a quick way to make money.) lakiin waa arin ka qoto weyn oo u baahan in qofku boqolaal saacadood galiyo si uu u fahmo. 

Bitcoin waa technology labaad ka dib internet ee ugu muhiimsan ee qarnigaan la alifay.

Marka Soomaaliyeey yaan la idinku dhihin Bitcoin muhiim mahan ama la idinku khaldin cryptocurrency kale ama wax kale, ee inta mardanbe oo xeero iyo fandhaal ay kala dhacaan aad soo baraarugi lahaydeen hadda wakhti hala galiyo fahamkeeda.

Wabillahi Towfiiq.

Qoraha maqaalkaan: Mohammed from Somali Majlis

Wixii su’aal ama aragti ah ku soo dir: somalimajlis@gmail.com

Majliska qoraaladiisa kala soco www.somalimajlis.com 

#Somali #Bitcoin

Leave a Reply